14. Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo.
15. Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.
16. Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.
17. Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa.
18. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.