Axdiga Hore

Axdiga Cusub

2 Korintos 4:3-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Laakiin injiilkayagu hadduu daboolan yahay, wuxuu ka daboolan yahay kuwa lumaya.

4. Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.

5. Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis.

6. Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.

7. Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan.

8. Wax walba waa lanagu dhibay, laakiin lanama cidhiidhiyin, waannu qalbi walaacnay, laakiin ma aannu quusan,

9. waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabbi'in.

10. Mar walba jidhkaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato.

11. Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya.

12. Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.

13. Waxaannu leennahay isku ruuxa ee rumaysadka, sida qoran, waan rumaystay, taas aawadeed ayaan u hadlay; annaguna waan rumaysannaa, taas aawadeedna waannu u hadallaa.

akhri dhamaystiran cutubka 2 Korintos 4