Axdiga Hore

Axdiga Cusub

2 Korintos 11:29-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Kumaa itaaldaran oo anna aanan itaal darnayn? Kumaa la xumeeyey oo aanan ka guban?

30. Hadday tahay inaan faano waxaan ku faanayaa waxyaalaha ku saabsan itaaldarradayda.

31. Ilaaha ah Aabbaha Rabbi Ciise, kan barakada leh weligiis, wuxuu yaqaan inaanan been sheegaynin.

32. Xagga Dimishaq taliyihii ka hooseeyey boqorkii Aretas ahaa ayaa gaadh ka qabtay magaalada reer Dimishaq si uu ii qabto.

33. Markaas anigoo dambiil ku jira ayaa daaqad xagga derbiga hoos laygaga dejiyey oo aan gacmihiisii ka baxsaday.

akhri dhamaystiran cutubka 2 Korintos 11