Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Timoteyos 5:11-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Laakiinse carmallada dhallintayar diid, waayo, markay qooqaan ayay ka jeestaan Masiixa, oo waxay doonayaan inay guursadaan.

12. Iimaankoodii hore way naceen, oo sidaas daraaddeed waa la xukumay.

13. Waxay kaloo weliba bartaan inay caajisiin noqdaan, iyagoo iska wareegaya oo guriba guri uga baxaya; caajisiin oo keliyana ma ahaye, weliba way warsheeko badan yihiin, oo axwaalka dadka kalena way faraggeliyaan, iyagoo ku hadlaya waxyaalo aan waajib ku ahayn.

14. Haddaba waxaan doonayaa inay carmallada dhallintayaru guursadaan, oo carruur dhalaan, oo gurigooda u taliyaan, oo ayan cadowga isu jebin inuu caayo.

15. Waayo, hadda ka hor qaar baa xagga Shayddaanka u leexday.

16. Haddii naag rumaysanu ay leedahay carmallo ha u gargaarto iyaga, oo kiniisadda yaan la culaysin, si ay u gargaarto kuwa carmallada runta ah.

17. Waayeellada si wanaagsan wax ugu taliya ha lagu tiriyo kuwo istaahila in labanlaab loo maamuuso, khusuusan kuwa ku hawshooda waxwacdinta iyo waxbaridda.

18. Waayo, Qorniinku wuxuu leeyahay, Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo. Wuxuu kaloo leeyahay, Shaqaalahu waa istaahilaa abaalgudkiisa.

19. Nin waayeel ah ashtako ha ku qaadin, laba ama saddex qof oo ku markhaati fura mooyaane.

20. Kuwa dembaaba inta kale oo dhan hortooda ku canaano in kuwa kalena ay cabsadaan.

21. Waxaan Ilaah iyo Ciise Masiix iyo malaa'igaha la doortay hortooda kugu waaninayaa inaad waxyaalahan ku dhawrtid eexashola'aan, oo aadan waxba samayn adoo dadka kala jeclaanaya.

22. Ninna gacmaha degdeg ha u saarin, dad kale dembiyadoodana ha ka qayb gelin. Nafsaddaada daahirsanaan ku dhawr.

23. Laakiinse hadda ka dib biyo oo keliya ha cabbin, illowse waxoogaa yar oo khamri ah u cab calooshaada iyo cudurradaada mararka badan kugu soo noqnoqda daraaddood.

24. Dadka qarkood dembiyadoodu waa bayaan, oo waxay u hor marayaan xukunka, dadka qaarkoodna kuwoodu way daba socdaan.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Timoteyos 5