Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Timoteyos 4:4-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Waayo, wax kasta oo Ilaah abuuray wuu wanaagsan yahay, waana inaan waxba la diidin haddii mahadnaqid lagu aqbalo,

5. waayo, waxaa quduus lagaga dhigaa ereyga Ilaah iyo ducada.

6. Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.

7. Laakiin ka fogow sheekooyinka habraha oo nijaasta ah, oo nafsaddaada bar cibaadaysiga,

8. waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba.

9. Hadalku waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo.

10. Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.

11. Waxyaalahan dadka ku amar oo bar.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Timoteyos 4