Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Timoteyos 4:10-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.

11. Waxyaalahan dadka ku amar oo bar.

12. Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba.

13. Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow.

14. Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Timoteyos 4