Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Timoteyos 1:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah,

2. waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.

3. Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,

4. ama ayan dhegaysanin sheekooyin iyo abtirsiinyada aan dhammaadka lahayn oo keena su'aalo intay hor marin lahaayeen talada Ilaah oo rumaysadka ku jirta.

5. Laakiin amarka dhammaadkiisu waa jacayl ka soo baxa qalbi daahir ah iyo niyo wanaagsan iyo rumaysad aan labaweji lahayn.

6. Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn,

akhri dhamaystiran cutubka 1 Timoteyos 1