Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Tesaloniika 2:9-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah.

10. Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.

11. Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna,

12. inaad u socotaan si istaahisha Ilaaha idiinku yeedhay boqortooyadiisa iyo ammaantiisa.

13. Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan.

14. Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda,

15. oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah.

16. Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.

17. Laakiin, walaalayaalow, annagoo wakhti yar lanaga kiin qaaday, xagga isla-joogidda ee ayan ahayn xagga qalbiga, aad iyo aad baannu ugu dadaalnay inaannu wejigiinna aragno, annagoo xiiso weyn u qabna;

18. waayo, waannu jeclaan lahayn inaannu idiin nimaadno, anigoo Bawlos ah mar iyo lababa waan jeclaa, laakiinse Shayddaan baa naga hor joogsaday.

19. Maxaa yeelay, waa ayo rajadayada iyo farxaddayada iyo taajka faanidda oo ahaan doona Rabbigeenna Ciise Masiix hortiisa goortuu yimaado? Sow idinka ma aha?

20. Waa idinka faankayaga iyo farxaddayaduba.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Tesaloniika 2