Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Tesaloniika 2:6-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Dadka xaggiisana ammaan kama aannu doondoonin, ama xaggiinna ha noqoto, ama xagga dad kale, in kastoo aan culaab idinku noqon kari lahayn, annagoo ah rasuulladii Masiixa.

7. Laakiin dhexdiinna waxaannu idiinku roonayn sida mid carruurteeda nuujisa ay iyaga u dhaqaalayso.

8. Sidaas daraaddeed, annagoo aad idiin jecel, ayaannu ku faraxnay inaannu wax idin siinno, mana aha injiilka Ilaah oo keliya, laakiinse xataa naftayada, maxaa yeelay, waxaad noo noqoteen kuwo aan jecel nahay.

9. Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah.

10. Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.

11. Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna,

12. inaad u socotaan si istaahisha Ilaaha idiinku yeedhay boqortooyadiisa iyo ammaantiisa.

13. Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Tesaloniika 2