Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 8:4-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Haddaba xagga cunidda waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inuusan sanam waxba dunida ka ahayn oo aan Ilaah jirin mid mooyaane.

5. Waayo, in kastoo ay samada iyo dhulkaba jiraan wax ilaahyo lagu sheego, sidii iyadoo ilaahyo badan iyo sayidyo badni jiraan,

6. laakiin innagu waxaynu leennahay Ilaah keliya oo Aabbaha ah, kan wax waluba ka yimaadaan oo innagana isagaa ina leh, iyo Sayid keliya oo Ciise Masiix ah, kan wax waluba ku ahaadeen oo innaguna isagaynu ku ahaannay.

7. Laakiin dad oo dhammu aqoontaas ma wada laha, laakiin qaar sanamka tan iyo hadda u bartay, waxay u qabaan waxay cunaan sidii wax sanam loo sadqeeyo, qalbigooda itaalka daranina wuu nijaasoobay.

8. Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan.

9. Laakiin iska dhawra si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa itaalka daran.

10. Haddii qof ku arko adigoo aqoonta leh oo cunto ugu fadhiya meeshii sanamyada, hadduu qalbiga ka itaal daranyahay, qalbigiisu miyaanu ku adkaanaynin inuu cuno waxa sanamyada loo sadqeeyo?

11. Waayo, waxaa aqoontaada aawadeed lumaya ka itaalka daran oo ah walaalkaagii uu Masiixu aawadiis u dhintay.

12. Markaad walaalaha sidaas ugu dembaabtaan oo aad qalbigooda itaalka daran u xumaysaan, waxaad ku dembaabtaan Masiix.

13. Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 8