Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 7:3-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso.

4. Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.

5. Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed.

6. Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo.

7. De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.

8. Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan,

9. laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.

10. Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin.

11. Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 7