Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 16:2-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin.

3. Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan.

4. Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.

5. Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa.

6. Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono.

7. Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo.

8. Laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste.

9. Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.

10. Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale.

11. Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco.

12. Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.

13. Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 16