Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 16:15-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay quduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa

16. inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.

17. Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray.

18. Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.

19. Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.

20. Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

21. Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.

22. Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa.

23. Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.

24. Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 16