Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 13:6-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta.

7. Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa.

8. Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday wax sii sheegiddii jirto, way baabbi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabbi'i doontaa.

9. Waayo, waxaynu naqaan waa qabyo, oo si qabyo ahaan ah ayaynu wax u sii sheegnaa.

10. Laakiin markii waxa dhammi ay yimaadaan, waxa qabyada ahi way idlaan doonaan.

11. Markaan ilmo yar ahaan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u hadli jiray, sidii ilmo oo kale ayaan wax u garan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u fikiri jiray, laakiinse haatan waxaan noqday nin weyn, oo waxyaalihii carruurnimada waan iska fogeeyey.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 13