Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 11:27-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan.

28. Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo.

29. Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin.

30. Sababtaas aawadeed ayay badidiinnu u itaal daranyihiin, oo u bukaan, oo qaar aan yaraynu u dhinteen.

31. Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen.

32. Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida.

33. Taa aawadeed, walaalahayow, markaad isugu timaadaan inaad wax cuntaan, isa suga.

34. Nin uun hadduu gaajoodo, gurigiisa wax ha ka soo cuno, inaydnaan xukun isugu iman. Intii kale waxaan hagaajin doonaa markaan imaado.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 11