Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Korintos 10:11-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Waxyaalahaasi waxay iyaga ugu dhaceen masaal ahaan, oo waxaa loo qoray in laynagu waaniyo innagoo wakhtiyada dhammaatinkoodii ina soo gaadhay.

12. Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin.

13. Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.

14. Sidaa daraaddeed, gacaliyayaalow, sanamcaabudidda ka carara.

15. Waxaan idiinla hadlayaa sida dad caqli leh loola hadlo oo kale. Idinku qiyaasa waxaan leeyahay.

16. Koobka barakada leh ee aynu u ducayno miyaanu ahayn islawadaagidda dhiigga Masiix? Kibistaynu jebinnaa, miyaanay ahayn islawadaagidda jidhka Masiix?

17. Innagu in kastoo aynu badan nahay, waxaynu nahay jidh qudha, maxaa yeelay, waxaa jira kibis qudha, waayo, dhammaanteen waxaynu wada qaybsannaa kibista qudha.

18. Eega reer binu Israa'iil xagga jidhka; kuwa allabaryada cunaa miyaanay la wadaagin meesha allabariga?

19. Haddaba maxaan leeyahay? Wax sanam loo sadqeeyo waa wax? Ama, sanam baa wax ah?

20. Laakiin waxyaalaha ay dadka aan Yuhuudda ahayn sadqeeyaan, waxay u sadqeeyaan jinniyo, ee Ilaah uma sadqeeyaan. Dooni maayo inaad jinniyada wax la wadaagtaan.

21. Iskuma wada cabbi kartaan koobka Rabbiga iyo koobka jinniyada. Kama wada qayb geli kartaan miiska Rabbiga iyo miiska jinniyada.

22. Miyaynu Rabbiga ka hinaasinnaa? Miyaynu isaga ka xoog badan nahay?

23. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan.

24. Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon.

25. Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed.

26. Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba.

27. Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hor dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed.

akhri dhamaystiran cutubka 1 Korintos 10