cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

1 Butros 3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Nimanka Iyo Naagahooda

1. Sidaas oo kalena, dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya in xataa haddii qaar uusan erayga addeecin ay erayga la'aantiis ku soo hanuunsamaan dabiicadda afooyinkooda,

2. markay arkaan dabiicaddiinna daahirsan ee cabsida leh.

3. Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho,

4. laakiinse ha ahaato inta qalbiga ee qarsoon, taasoo leh wax aan baabba'ayn ee ah ruuxa qabow oo aamusan, kaasoo Ilaah hortiisa qiimo badan ku leh.

5. Waayo, sidaasoo kalaa waagii hore dumarkii quduuska ahaa oo Ilaah wax ka rajayn jiray ay isu qurxin jireen, iyagoo nimankoodii ka dambeeya.

6. Saarahba sidaasoo kalay Ibraahim u addeeci jirtay, oo ay ugu yeedhi jirtay, Sayidow; oo idinna haddii aad wanaag fashaan oo aydnaan ka cabsan wixii argaggax leh waxaad tihiin carruurteeda.

7. Nimankow, idinkuna sidaas oo kale afooyinkiinna aqoon kula dhaqma sidii iyagoo ah weel tabardaran, oo iyaga maamuusa sida kuwa idinla dhaxla nimcada nolosha, si aan baryadiinna loo hor joogsan.

Jixinjixa Masiixiyiinta

8. Ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Kulligiin isku maan ahaada, oo isu jixinjixa, oo sida walaalo isu jeclaada, oo isu naxariista, oo is-hoosaysiiya.

9. Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,

10. Kii doonaya inuu nolol jeclaado, Oo arko maalmo wanaagsan, Carrabkiisa shar ha ka joojiyo, Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.

11. Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo; Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;

12. Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda; Laakiin wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya.

Waa In Xaqdarrada Loo Adkaysto

13. Haddii aad waxa wanaagsan ku dadaashaan, bal yaa wax idin yeeli doona?

14. Laakiinse xaqnimada daraaddeed haddii aad u xanuunsataan, waad barakaysan tihiin. Haddaba ha ka cabsanina cabsigelintooda, hana welwelina.

15. Rabbiga Masiixa ah qalbiyadiinna quduus kaga dhiga, oo mar kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka weyddiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi ugu jawaaba,

16. idinkoo qalbi wanaagsan leh, in markii wax xun laydinka sheego, ay ceeboobaan kuwa caaya dabiicaddiinna wanaagsan ee xagga Masiixa ah.

17. Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda.

18. Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey.

19. Ruuxii ayuu ku tegey oo wuxuu wacdiyey ruuxyadii xabsigii ku jiray,

20. kuwaas oo waagii hore ahaa caasiyiin markii dulqaadashada Ilaah ay sugaysay intii maalmihii Nuux oo la diyaarinayay doonnidii, taasoo ay biyihii kaga badbaadeen dhawr qof oo ah siddeed nafood oo keliya.

21. Biyahaasuna waxay ka dhigan yihiin baabtiiska hadda idinku badbaadiya sarakicidda Ciise Masiix, oo aan ahayn ka fogaynta wasakhda jidhka, laakiinse waxaa weeye baryo ka timaada qalbi wanaagsan oo xagga Ilaah.

22. Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.