1. Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso, Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
2. Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.
3. Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay, Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin, Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.
4. Shuqulladii dadkana waan ka hadhay, Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
5. Si aanay cagahaygu u simbiriirixan, Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.
6. Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.