17. Ilaahna wuu maqlay Lee'ah, wayna uuraysatay, oo Yacquub bay u dhashay wiil shanaad.
18. Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah waa i siiyey kiradaydii, maxaa yeelay, addoontaydii waxaan siiyey ninkayga. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Isaakaar.
19. Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad.
20. Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah dhiibaad wanaagsan buu igu dhiibaadiyey, haatan buu ninkaygu ila joogi doonaa, maxaa yeelay, waxaan u dhalay lix wiil. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Sebulun.
21. Dabadeedna waxay dhashay gabadh, magaceediina waxay u bixisay Diinah.
22. Ilaahna wuu xusuustay Raaxeel, oo Ilaah wuu maqlay iyada, maxalkeediina wuu u furay.
23. Oo way uuraysatay, oo wiil bay dhashay; oo waxay tidhi, Ilaah baa ceebtaydii iga qaaday.
24. Magiciisiina waxay u bixisay Yuusuf, iyadoo leh Rabbigu wiil kale ha iigu daro.
25. Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.
26. I sii naagahayga iyo carruurtayda aan daraaddood kuugu adeegay, oo aan iska tago; waayo waad og tahay adeegiddii aan kuu adeegi jiray.
27. Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Haddaad raalli iga tahay, joog, waayo, waxaan faal ku gartay in Rabbigu daraaddaa ii barakeeyey.